Putin oo la sheegay inuu qoyskiisa geeyey dhufays-dhuleed u gigsan kara weerar nukliyeer ah & caqiidadiisa (Daawo)

0

(Moscow) 01 Maarso 2022 – Profesor Ruushan ah ayaa sheegay in MW Ruushka ee Putin uu qoyskiisa ku qariyey dhufays dhuleed ku yaalla Siberia oo nukliyeerka u gigsan kara.

Ninkan ayaa sheegay in meeshaasi ay ku taallo buuraleeyda Altai Republic, waxaana u dhan wax kasta oo lagu noolaan karo haddii uu dhaco nukliyeer ah sida uu sheegayo Valery Solovey oo ah nin yaqaan culuunta siyaasadda.

61-jirkan oo horay professor uga ahaa Moscow State Institute of International Relations (MGIMO) – ayaa sidoo kale Putin ku eedeeyey inuu qulban yahay dhimir ahaan, isagoo xitaa sheegay inuu ku dhaqmo diin dhaqameed khuraafi ah oo la yiraahdo Shamanism isaga iyo Wasiirka Difaaca ee Sergey Shoigu.

Nidaamka Moscow ayaa Solovey horay ugu qabsaday warka uu ka sheegay dhimirka Putin iyadoo su’aalo la waydiinayey 7 saacadood balse waa la sii daayey iyadoo laga qaatay agab elegtaroonig ah oo kala duwan.

Putin ayaa durba wajahaya eedaymo la xiriira dembiyo dagaal gaar ahaan duqaynaha rayidka Kyiv iyo Kharkiv. Halkan ka DAAWO..

Hadalsame Media