XAALAD CULUS: Muxuu qabtay dayax-gacmeedka Maraykanku?! (Wararkii ugu dambeeyey?)

0

(Kiev) 28 feb 2022 – Waxaa maanta gobol ka tirsan Belarus balse ku yaalla xadka uu dalkaasi la leeyahay Ukraine ka bilaabmay kulan wada hadal ah oo ay leeyihiin Moscow iyo Kiev oo uu Ruushku haatan weerar ku hayo.

Yeelkeede, sawirro uu hawada sare ka qaaday dayax-gacmeed ay leedahay sharikadda Maraykanka ah ee Maxar ayaa muujinaya kolonyo gaadiid dagaal ah oo Ruushku leeyahay oo usii ruqaansanaya dhanka woqooyiga Kiev.

Gawaaridan oo inta ay tiro ka gaareen taxan dhul dherer la’eg 27 km oo qiyaastii ku dhow masaafada u dhexeeysa Muqdisho-Afgooye, ayaa laga sheegayaa Garoonka Dayuuradaha Antonov, sida ay faafisay Reuters.

Sida ay sheegtay shirkadda Maxar gaadiidkan dagaal ayaa u badan kuwa gaashaaman iyo kuwa jiida ama sida madaafiicda waawayn ee goobta ee aartelleriga.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine:

  • Kulanka Kyiv iyo Moscow ee ka soconaya xadka Ukraine-Belarus ayay labada dhinac wareeggii 1-aad yeesheen iyagoo isku raacay in lasii wado.
  • Ciidamada Ruushka ayaa madaafiic ku ekeeyey degmo ka tirsan magaalada 2-aad ee ugu ballaaran Ukraine ee Kharkiv, iyagoo halkaa ku laayey daraasiin dad ah.
  • Golaha Guud ee QM ayaa yeelanaya kulan deg deg ah oo noociisa ah kii ugu horreeyey muddo tobannaan sanadood ah.
  • Ruushka ayaa wajahaya go’doomin caalami ah oo xoogga iyadooo ay Maraykanka iyo dalalka kale ee Galbeedku ay la beegsadeen cunaqabataynno culus.

Hadalsame Media