Ruushka oo duullaanka Ukraine kala kulmay jab aanu filayn (Inta jugood ee loo gaystey?)

0

(Hadalsame) 27 Feb 2022 – Ninkii Putin ahaa bad buu ku jiraa, Ukraine oo dhan wuu burburiyay, Ciidamadii difaaca Ukraine iyaga iyo qalabkoodii ciidduu ku daray, Lkn siduu moodayay wax uma noqon oo iska caabin buu kala kulmay, kadib markii ay shacabku hubkii qaateen, isaga waxaa u qorsheysneyd in 48 saac kadib ay Ukraine isku dhiibi doonto.

Laakiin taasi ma dhicin oo waxaaba isaga ka soo gaaray khasaare balaaran oo uusan meesha ka filaneyn, tiro ciidamo ah oo maxaabiis ahna waa laga qabtay, dagaalkiina sida muuqata hada waa ku dabo dheeraaday, meel uu ka laabtana ma joogo.

DHAQAALAHA:- Mareykan iyo xulufadiisu cunaqabateynta caalamiga ah marka laga soo tago, waxey ruushka ku qaadeen dagaal dhanka dhaqaalaha, Internetka iyo Isgaarsiinta ah, waxaa durba xarkaha loo jaray bangiyadiisii, waxaa la xanibay dhaqaalihii iiyo company-adii ganacsatada Ruushku ku lahaayeen dalka dibaddiisa, waxa ay hub iyo sahay ciidan gaarsiiyaan Kiev, goor dhowna waxey u dirayaan ciidamo iyo qalab malatari oo NATO ah sida ay sheegeen, taas oo dagaalka ka dhigi doonta mid yeesha waji cusub.

BARAHA BULSHADA:- Ciidamada,madaxda, Warbaahinta, dadka caanka ah iyo shacabka Ruushka ee madlaha ama platform-ka fiican heysta ee ka xoogsada YouTube, Facebook iyo aaladaha kale oo dhan ee sociaal media ayaa laga jaray lacagihii ay ka sameyn jireen. tanina waa dagaal kale oo dhaqaale cuuryaamin ah.

CIYAARAHA:-  Dhamaan ciyaarihii wadamada Yurub ay lalahaayeen Kooxaha Ruushka ayaa dhamaantood la baajiyay,waxaa la baajiyay FORMULA ONE 2022 oo Ruushka lagu qaban lahaa , xitaa Finalka Champions League In lagu qabto waa laga baajiyay, Manchester United waxey joojisay Sponsor Aeroflot, boqolaal xayeysiin ah ayaa la dhigay.

Sidoo kale Naadiga Shalka O4 ayaa funaanadiisa ka tiray GAZPROM, sidoo kale maamulihii shirkadan wuxuu ka tagay Gudiga kooxda oo uu ka tirsanaa, tanina waa dagaal kale.

DUULLIMAADYADA:- Dhamaan diyaaradaha Ruushka Yurub iyo Mareykanka waa laga mabnuucay, Sidoo kale in isagana duulimaadyadu tagaana waa laga mamnuucay, tanina waa dagaal kale oo dhaqaale.

Halkaas markeey taagan tahay, Odayga meel walba wey ka qaniineen, wuxuuse ku qasban yahay in uu Ukraine gacanta ku dhigo waxkasta haku qaadatee, ama inuu dagaalka waji kale u yeelo oo uu ka soo qeybgeliyo dalalka isaga xulufada la ah si ay xabaddu meel walba u gaarto.

Hadii uusan tilaabooyinkaa degdeg ah ula imaan waxey u muuqataa marka khasaaraha ciidamada soo gaaraya uu ku bato, cuuryaaminta dhaqaalahana laga dareemo wadanka, in isaga iyo shacabkiisu iska hor imaan doonaan, maadaama ay hadaba inbadan oo ka mid ah ay ka soo horjeedaan weerarka uu Ukraine ku qaaday.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media