Jarmanka oo hub u ballanqaaday Ukraine misna isbeddeley & dal kale oo Yurub ah oo uu arrinta ku wareejiyey (Waa dalkee?)

0

(Berlin) 26 Feb 2022 – Germany ayaa Kiev siinaysa 1,000 qori oo ah nooca kaare dilaha ah ee fudud iyo 500 oo ah ‘Stinger’ oo ridi kara gantaal yar oo dhul-ka-cir ah, sida uu sheegay afhayeenka DF Jarmanka, Steffen Hebestreit.

RW Jarmanka ee Olaf Scholz oo laftiisu ka daba hadlay ayaa arrintan ku tilmaamay mid  “isbeddel keenaysa” xilli ay halis cusubi soo wajahdey nidaamkii dunida oo “ay Berlin ku waajibtey” taageerada Ukraine oo la tacaalaya duullaanka “ciidanka Vladimir Putin”, sida uu yiri.

Yeelkeede, warbaahinta Jarmanka ayaa sheegaysa in Berlin ay mowqifkeedii hore ee ahaa in ay hubkan oo ay iyadu leedahay toos u siiso Kiev.

Warqaadka ARD ayaa sheegaya in Jarmanku haatan qorshaynayo inuu hub noocan u dhigma uu ka iibinayo “dal seddexaad” isagoo durba la heshiiyey dalka Netherlands taasoo keenaysa in Amsterdam ay hubka ku wareejiso Ukraine.

Lama sharrixin waxa bedeley moowqifkii hore ee Jarmanka.

Hadalsame Media