DEG DEG: Ruushka oo heegan “gaar ah” geliyey hubkiisa nukliyeerka ah

0

(Moscow) 27 Feb 2022 – MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa “heegan gaar ah geliyey” nukliyeerka dalkaasi, kaasoo looga dhawaaqay kulan ay yeesheen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Abaanduulka Guud ee Xoogga dalkaasi, Sergey Shoigu iyo Valery Gerasimov.

“Dalalka Galbeedku ma qaadayaan tillaabooyin dhaqaale oo qura balse waxay qaadeen tillaabooyin cunaqabataynno sharci darro ah oo aad ka warqabtaan. Waxay sidoo kale dalalka waawayn ee NATO ku hadlayaan kelmado weerar ah oo dalkeenna ka dhan ah. ayuu yiri Putin.

Ruushka ayaa haysta hub nukliyeer ah iyo mid caadi ah oo istaraatiji ah oo daafac iyo weerarba loo adeegsan karo islamarkaana laga ridi karo 3 madlood – cir, dhul iyo bad.

Marka la eego qeexitaanka Ruushka ee adeegsiga hubkan halista ah “waa in la iskaga difaaco dulmiga looga adkaado, taasoo ay ku jirto adeegsiga hubkan.”

Warkan ayaa imanaya tiiyoo ay xiisad caalami ihi ka taagan tahay duullaankii uu Khamiistio 24kii Febraayo ku qaaday Ukraine kaddib markii uu Isniintii aqoonsaday Donetsk iyo Lugansk oo ka tirsan Gobolka Donbas kuwaasoo tan iyo 2014 la dagaalsanaa nidaamka Kiev.

Hadalsame Media