Sida uu MW Ukraine uga soo baxay nabsiga Falastiiniyiinta & nin u jawaabey xilligaas oo uu warkiisii soo baxay (Arag waxa uu yiri)

0

(Hadalsame) 26 Feb 2022 – Sannadkii hore markii madaafiicda sida aan kala sooca lahayn loogu garaacayey Gaza bishii Maajo ee sanadkii hore ee 2021, waxaa dhintay dad aad u fara badan.

Waxay ahaayeen 260 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 39 dumar ah iyo 67 carruur ah. Guryaha la dumiyeyna waxay ahaayeen 1800.

Dhinaca Israel waxaa ka dhintay 12 qofood oo qura. Yeelkeede, Madaxweynaha Yukrayn oo maalmahaas la xanuunsaday Israel oo uu u nasab sheegto, ayaa musiibo ku tilmaamay arrintaas isagoo ku tilmaamay mid aan laga jeesan karin, halka uusan xitaa xusin Falastiin.

Ha yeeshee; nin u jawaabayey oo malaha afkiisa la saarnaa ayaa yiri:

“Waxaad tahay nin shactiraynaya, balse marka Ruushku garaaco magaalooyinkaaga Kiev, Kharkiv & Odessa ayaad dareemi doontaa. Adduunku waa meerto.

FG: Sawirka waxaan ka hubiyey Twitterka Madaxweynaha, waxaanan ka qabtay kan ninka u jawaabay.

W; D: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media