Xaaladda Ruushka + Belarus & Ukraine oo lagu misaaley midda Somalia, Soomaali Galbeed & Jabuuti

0

(Hadalsame) 26 Feb 2022 – Jamhuuriyaddii Soomaalyeed 1960 midnimadii waa ay ku guulaysatay.

Dadka Soomaalida ah ee Kiiniya dawlad madaxbannaan bay ka qaateen Ingiriiskii oo Kiiniya la gu ma khasbin iyaga oo doorasho ku diiday (dulmi reer Galbeed).

Soomaali Galbeed wax ay noqotay qaran ka madaxbannaan Xabashida laakiin aan la midoobin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iskeed isu taagtay (Yukreyn).

Jabbuuti waa qaran Soomaaliyeed oo dawladnimadiisa ka qaatay Faransiiska, oo la walaal ah Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (Balaruush).

Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (Waqooyi iyo Koonfur), oo ay awoodda dawladnimadeedu marayso heerka Ruushku caawa yahay, ma aqbali lahayd in Dawladda Xabashidu soo farageliso Dawladda Soomaali Galbeed, oo ay adiga ku gu dibindaabyayso? Xaasha.

Jamhuuriyadda Jabbuuti (Balaruush) sow ma taageerteen dagaalka aad Soomaali Galbeed ka ga fogaynaysid Xabashida? Nacam.

Waxii aynnu samayn lahayn buu Ruushku sameeyay ee biyadhaamiska ha loo jeesto.

Waxaa Qoray: Ibraahim-hawd Yuusuf

Hadalsame Media