Imisa madax oo nukliyeer & gantaalo istaraatiji ah ayay Ukraine haysatey kahor 1994-kii

0

(Kiev) 26 Feb 2022 – Waxaan dorraad qornay in 1991-kii kaddib burburkii Midowgii Soofiyeeti ay Ukraine noqotay cududda 3-aad ee caalamka oo idil haysatey hubka nukliyeerka, iyadoo xilligaa ka madaxyo badnayd UK, Faransiiska iyo Shiinaha.

Nukliyeerkii Ukraine halkee ku danbeeyey? Dalalka Maraykanka, Kazakhstan, Belarus UK iyo Ruushka ayaa geeed dheer iyo geed gaaban u fuulay inay Ukraine ku qalqaaliyaan inay hubkan istaraatijiga ah ka tanaasusho waxaana 1994-kii laga saxiixay Heshiiskii Budapest Memorandum.

Haddaba, imisa ayuu dhammaa hubka istaraatijiga ahaa ee ay dhaxashay Ukraine kahor intii aanay dib ugu celinin Ruushanka?

1 – Ukraine waxay dhaxashay nukliyeer iskugu jirey 176 gantaal oo ah kuwa qaaradaha iskaga goosha ee baalistigga oo qaadi kara madxaha nukliyeerka.

2 – 1,249 madax oo nukliyeer ah.

3 – 44 dayuuradood oo ah kuwa waawayn ee sameeya duqaymaha istaraatijiga ah.

4 – 700 gantaallada kuruuska ah ee qaadi kara madaxyada nukliyeerka.

5 – 2,000 oo ah madaxyada nukliyeerka taatikada ah.

Hadalsame Media