BEEN FAKATAY! Arag inta muuqaal ee laguu sheegay inay yihiin dagaalka Ukraine oo aysan waxba ka jirin (Warbixin sawiran)

0

(Hadalsame) 26 Feb 2022 – Dagaalka ka dhashay duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ayaa waxaa daba socda sawirro iyo muuqaallo been abuur ah oo lagu faafinayo baraha bulshada, kuwaasoo sida ay xaqiijisay BBC News, aanay waxba ka jirin.

Camaaliqooyinka baraha bulshada sida Twitter ayaana durba bilaabay inay qoyaanka ku qabtaan sheekooyinka been abuurka ah ee madashooda lagu faafiyo kaddib marka ay hubiyaan inay been abuur iyo dacaayad yihiin.

Haddaba, aannu mid mid usoo qaadanno sawirrada beenta ah ee la faafiyey:

Sawirkan waxaa lagu sheegay inuu ku saabsan yahay dagaalka Ukraine, balse runtii waa dayuurad Maraykanka ah nocoa F-16 Fighting Falcon, taasoo aan abid tegin Ruush walaa Ukraine.

Sawirkan waxaa lagu xirey wiishka digniinta ah iyadoo laga dhigayo duullaan lagu qaaday magaalo ka tirsan Ukraine, balse waa 2020 mar la samaynayey dhoollatus ciidan.

Waxaa sawirkan sare laga dhigay in ciidamada dallaayadaha ku booda ee Ruushanku ay iyagoo malyaay ah cirka uga soo daateen magaalada reer Ukraine ee Kharkiv, balse muuqaalkani wuxuu 2016 kusoo baxay web Ruush ah mana aha wax cusub.

Muuqaal kale oo la faafiyey waxaa lagu sheegay in lasoo ridey dayuurad Ruushku leeyahay, balse weriyeyaasha BBC News ayaa hubiyey in sawirkani yahay dayuurad ay leedahay Dowladda Libya oo ay fallaagadu kusoo rideen Benghazi 2011.

Muuqaal kale oo aad loo faafiyey waa sawir muujinaya dhismayaal waawayn oo la qarxiyey kuwaasoo lagu sheegay magaalada koonfur bari dhacda ee Mariupol, waxaana dadka faafiyey ka mid ah Danjirihii Ukraine ee Maraykanka, Volodymyr Yelchenko.

Ha yeeshee, muuqaalkan waxaa bil kahor barta TikTok lasoo dhigay 29 Jannaayo, waana koonto aalaaba faafisa muuqaallada aflaamta iyo qaraxyadooda.

Sawirkan waxaa laga dhigay in Ciidamada Ruushku ay duullaanka iminka socda ay calankooda sureen Xarunta Dowladda Hoose ee Kharkiv – balse waloow ay run tahay arrintaani misna haatan ma ahane waa 2014-kii.

Gegabgebadii, muuqaal lagu faafiyey afka Chinese-ka oo Twitter la dhigay ayaa lagu qoray in “Putin the Great uu weeraray Ukraine” waxaase si sahal ah loo garan karaa in qaraxani uu yahay midkii ka dhacay dekedda Bayruud Agoosto 2020, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qofi.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media