DF Somalia oo xaqiijisay in kab-miisaaniyadeed laga goostay & shir ay kula jirto IMF & Bangiga Adduunka

0

(Muqdisho) 24 Feb 2022 – Wasiirka Maaliyadda DF Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa faahfaahiyey shirka Talaadadii u furmay iyaga iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kaasoo soconaya ilaa 8-da Maarso.

Shirkaan ayaa ku soo beegmaya kaddib digniintii IMF oo sheegtay inay hakinayaan barnaamijyada ay taageeraan ee DF Somalia, haddii ay doorashadu sii jiitanto kaddib dhammaadka bisha Maajo.

Wasiir Bayle ayaa muddada dheer ee uu shirkani soconayo oo ah 22-ka Febraayo ilaa 8-da Maarso ku micneeyey mid muujinaysa “ahmiyadda shirka” isagoo ku sheegay mid ka ballaaran kuwii horay dhinacyadan u dhexmari jirey, iyadoo sidoo kale saadaal dhaqaale laga bixin doono koboca maaliyadeed ee Somalia.

Shirkan oo ay sidoo kale goobjoog ka yihiin ilaa dhowr wasaaradood ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah Bangiga Adduunka, balse waxaa shirka hagaya Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF, sida Bayle sheegay.

“Bangiyada caalamku markii ay dalalka kala xaajoonayaan dayn cafin iyo wixii la mid ah, hadii doorasho la galo shaqada socota waa joojiyaan, laakiin annaga nagama joojin, waxa aan kabka miisaaniyadda ahayn lama jarin, mashaariicdu sidoodii bay u socdaan.” ayuu hadalkiisa ku sii daray Bayle.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ku howllan yihiin in IMF aysan iyaduna hakinin howlaha ay waddo sida imtixaannada laga qaadayo Somalia ee khuseeya dayn cafinta.

Hadalsame Media