Somalia & Masar oo heshiis is faham ah kala saxiixday & Ujeedka + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Feb 2022 – DF Somalia iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan horumarinta Bangiga Dhexe ee Somalia.

Madaxda Bangiga Dhexe ee Somalia ayaa kulan la qaatay Guddoonka Bangiga Dhexe ee Masar Taariq Caamir.

Waxaa lakala saxiixday heshiis is faham ah (MoU) oo ku saabsan xog is dhaafsiga iyo karti dhisidda shaqaalaha bangiga Somalia (CBS).

Bangiga Dhexe ee Somalia ayaa ah bangiga qura ee dunida ka jira ee aan maamulin lacag uu isagu leeyahay iyadoo 95% Somalia wax lagu kala iibsado doollarka.

 

Hadalsame Media