Liverpool and Man City oo 4 jeer ciyaari kara muddo 12 maalmood gudohood ah

0

(Hadalsame) 23 Feb 2022 – Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa is arki kara Abriil 10 iyagoo isku haya Horyaalka EPL oo kaddib guuldaradii City haatan farqigiisu soo koobmay.

Yeelkeede, labada kooxood ayaa kulamo kale isku arki kara maadaama ay sidoo kale weli ku jiraan koobabka Champions League & FA Cup.

Maadaama ay Wareegga-16 ee CL uga soo kala badiyeen Inter Milan iyo Sporting Lisbon oo ay 2-0 iyo 5-0 direen, Liverpool iyo City waxay hal lugi u taallaa rubuc-dhamaadka CL.

Haddii ay lacalla soo baxaan way isku aadi karaan sidii 2017/18, waxayna kulmi karaan Abriil 5 iyo 6 iyadoo ay lugta 2-aad tahay Abriil 12 iyo 13 – kuwaasoo dhinacyada ka kala xiga kulanka Premier League ee Etihad.

Sidoo kale, haddii ay usoo wada baxaan wareegga xiga ee FA Cup oo ay deeto isku dhacaan, waxay markaa ciyaari karaan markii 4-aad. Waxay haatan Wareegga 5-aad kula ballansan yihiin Man City oo u safraysa Peterborough United iyo Liverpool oo martiqaadaysa Norwich City si ay nus-dhamaadka u tiigsadaan.

Haddii ay soo wada badiyaan waxaa nus-dhamaadku muddaysan yahay Sabti 16 iyo Axad 17 Abriil, maalmo uun kaddib lugta 2-aad ee rubuc-dhamaadka Champions League.

Hadalsame Media