“Ukraine oo dhan Ruushka ayaa qabsan doona!” – Siyaasi sameeyey kashifaad aan laga filaynin

0

(Moscow) 23 Feb 2022 – Siyaasi Ruushan ah ayaa sheegay in Ruushku uu maalin uun gebi ahaanba wada qabsan doono dalka Ukrainr taasoo qayb ka ah qorshe ballaaran oo dalkaa u degsan, sida uu sheegay nin xildhibaan ah.

Kaddib markii uu MW Vladimir Putin Isniintii ku dhawaaqay inuu dalal u aqoonsaday Donetsk iyo Lugansk, siyaasiga Alexey Zhuravlev ayaa soo duubay farriin uu farxaddiisa ku muujinayo.

Zhuravlev waa sidoo kale Guddoonka Xisbiga Rodina, oo ah xisbi waddani xagjira ah oo midigta fog u xagliya.

“Ukraine oo dhami Ruush bay noqon doontaa. Iyagu (Ukraine) xitaa waa ogyihiin inay taasi tahay mid waqti uun uu naga xigo.” ayuu yiri isagoo kaamirada eegayana sheegay in ay doonayaan “duni cusub.”

Ruushka ayaa xukumi jirey Ukraine oo ka tirsanaan jirtey Midowgii Soofoyeeti ee burburay, iyadoo qaybta bari ay deggan yihiin dad Ruushan ah ama af Ruush ku hadla.

Dhanka kale, Kremlin-ka ayaa ku dhawaaqay in la qayixi doono xuduudaha Gobolka Donbas oo la isku yiraahdo 2-da gobol ee uu Ruushku aqoonsaday.

Hadalsame Media