DEG DEG: Madaxtooyada oo gaashaanka u daruurtay heshiis caalami ah oo uu galay wasiir ka tirsan DF

0

(Muqdisho) 19 Feb 2022 – Madaxtooyada Somalia ayaa warqad deg deg ah kasoo saartay xirmooyin shidaal ah oo ay sheegtay in la xaraashay kaasoo uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta isagoo aan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu yiri qoraal iminka soo dhacay.

“Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7-dii Agoosto 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.

“Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.” Ayaa la raaciyey.

Hadalsame Media