MW Farmaajo & RW Rooble oo muddo kaddib meel isku mowqif ka noqday

0

(Hadalsame) 19 Feb 2022 – War rasmi ah oo isna kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa lagu cambaareeyey heshiis la sheegay inuu galay Wasiirka Batroolka DF Somalia.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan,” ayaa lagu bilaabay qoraalka kasoo baxay XRW.

“Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.” Ayaa la raaciyey.

Waa markii ugu horreeysey ee muddo la arko MW Farmaajo iyo RW Rooble oo soo saaraya qoraal isku mowqif ah kaddib khilaafaad muddo soo jiitamayey.

Hadalsame Media