Dal Muslim ah oo isku deyaya inuu isu keeno MW Ruushka & Ukraine (Halka uu kulanku ka dhici karo?)

0

(Kiev) 19 Feb 2022 – MW Ukraine ee Volodymyr Zelenskyy ayaa soo dhoweeyey kulan 3 geesood ah oo dhexmara MW Ruushka ee Vladimir Putin midka Turkey ee Recep Tayyip Erdoğan iyo isaga.

“Kulankii aan la qaadannay Zelenskyy, wuxuu muujiyey in uu ogol yahay kulan 3 xagal ah oo dhexmara Putin, Zelenskyy iyo Erdoğan,” ayuu MW Turki sheegay mar uu kasoo laabanayey Imaaraadka.

Wuxuu intaa raaciyey in kulankani uu ka dhici karo magaalada ugu wayn Turkiga ee Istanbul ama caasimadda Ankara, isagoo xusay inuu marka hore telefoon kula hadlayo Putin si uu arrintan ugu bandhigo.

War kasoo baxaya Ruushka ayaa tibaaxaya in Putin uu mabda’iyan aqbalay casuumadda Erdoğan ee inuu soo booqdo Turkey balse uu soo safrayo marka uu jadwalku saamaxo, sida uu yiri Kremlin-ka oo aan sidoo kale caddaynin inuu kulanka aqbalay iyo in kale.

Erdoğan ayaa dhowaan booqday caasimadda Kyiv isagoo la kulmay MW Ukraine ee Zelenskyy.

Hadalsame Media