Somaliland oo malaayiin doollar ku farraqda dad shisheeye ah xilli ay abaar baahsani gudaha ka jirto (Ninkan ayaa ka mid ah)

0

(Hargaysa) 17 Feb 2021 – Ninkaa waxaa la yidhaahdaa Gavin Williamson waa ninkii baarlamaanka Ingiriiska doodda geeyey, ee ahayd “Somaliland” halla aqoonsado, 10 kun oo qofna u qoreen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska in “Somaliland” la aqoonsado, dawladda Ingiriiskuna ugu soo jawaabtay aqoonsiga “Somaliland” wuxuu jiraa dhinacaa iyo Muqdisho.

“Somaliland” waxay u qoondaysay aqoonsi raadis 3 milayn oo doollar oo miisaaniyaddii ugu danbaysay Golaha Wakiillada ee “Somaliland” ogolaaday.

Dhaqaalahaa waxaa ka faa’iida wiilkan reer Ingiriis ee fariidka ah ee yaqaana halka garabka laga cuno, intii aanu gayn dooda baarlamaanka Ingiriiska waxaa ku baxday lacag badan oo qaabab badan lagu siiyey si loogu qanciyo in uu doodda geeyo baarlamaanka, saaka oo uu Hargeysa joogo wuxuu ku yimi dhaqaale, waxaa la siinayaa hadyado, iyo dhaqaale, Indho Indho wuxuuba yidhi wuxuu naga istaahilaa in aanu gabadh siino.

Halkan dhawr qodob ayaa isweydiin leh.

1. Maadaama “Somaliland” aanay ku taagnayn muddo 30 sano ah waddadii saxda ahayd ee ay ku heli lahayd waxay doonayaan, Ingiriis iyo Maraykanka oo ay aad u shukaaminayaana 30 kaa sano ku lahaayeen walaalayaal aqoonsi idiinma hayno, maxay tahay geelan raddaan ee lagu carraabinayaa meel aan ceelba ka jirin?

2. Dhaqaalaha loo qoondeeyey aqoonsi raadiska ee wiiilkaa Ingiriiska ah ku faakihaysanayo, isla markaana Gini bisaw iyo Biniin iyo Burkiina Faalso loogu dalxiisayo, bulshadii dhaqaalahan lahaydna gaajo iyo darxumo Hargeysa la meehanaabayaan waa laba arrimood oo iyaguna u baahan in lays qabadsiiyo.

Dhalinyarada xilligan ee weliba saamaynta lahi waxay dooddo galiyaan oo ay weliba natiijooyin ka gaadheen arrimo badan oo ay dareenkooda ku muujiyaan baraha bulshada, waxayse ka ma suugaan arrimaha kale ee xaqiiqooyinka cadcad dul hoganayaan, oo ay runta ka sheegto gabadha aqoonyahanada ah ee Hargeysa ku nool ee sheegtay in aanu aqoonsigu jirin Taiwan ee uu jiro Muqdisho.

Dhalinyarada iyo jiilka cusub ee u doodaya dadka dhibaataysan waa in ay wax iska weydiiyaan arrimahan oo kale ee dhiig baxa dhaqaale ku jiro.

Xaqiiqadu waxay tahay in bulsho badan baahi iyo darxumo ku sugan yihiin, wiilkaa reer Ingiriisna nolol wanaagsan Hargeysa ku baashaalayo maalmaha soo socda, iyadoo waliba abaaro, sicir barar iyo dhibaatooyin badan qoysas badan ku haystaan deegaanadaa.

Dhaqaalaha ninkan ku baxaya guri waa u dhisa karaa Islaanta dhibteeda baraha bulshada ku baahday, ee wiilasha xanuunsanaya haysata.

W; Q: Asad Caddaani Ibraahim

Hadalsame Media