“Addoonsi idiinkuguma jirno!” – Nin isku yaqaan “diktaytarka dunida ugu fiican” oo weerar ku qaaday Maraykanka (Waxa ay isku hayaan?)

0

(Hadalsame) 17 Feb 2022 – El Salvador waa dal madaxbannaan mana aha dal gumaysi ugu jira Washington, oo aan xaq u lahayn inay dhex booddo go’aanka lagu hirgeliyey lacagta Bitcoin, ayuu yiri MW Nayib Bukele oo ka jawaabayey hindise sharci oo ay wadaan dhowr senatar oo Maraykan ah.

“Hagaag. Ma nihin dal aad gumaysataane ha isku dayinina inaad ka talo bixisaan wax aydnaan xukumin. Wax idinka galay ma jiraan arrimaha gudaha El Salvador.” ayuu Bukele soo tweet gareeyey

Bukele, ayaa la doortay 2019, ayaa mar isku tilmaamay “diktaytarka ugu fiican adduunka mar uu Twitter soo dhigay taariikh nololeedkiisa, balse haatan wuxuu isku sheegaa “Maareeyaha Guud ee El Salvador.”

Wuxuu Bukele ka fal-celinayey war kasoo baxay 3 senatar oo iskugu jira 2 Jamhuuri ah iyo mid Dimoqraadi ah oo walaac ka muujiyey khatar maaliyadeed oo ay Maraykanka u keeni karto lacagta Bitcoin ee laga hirgeliyey dalkan.

Waana Guddoonka Guddi Hoosaadka Xiriirka Caalamiga ah ee Bob Menendez (D-New Jersey) oo ku biiray Jamhuuriyiinta Jim Risch oo metela Idaho iyo Bill Cassidy oo ka socda Louisiana oo Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ugu baaqay in ay keento qorshe lagu wajaho tillaabada Bukele ee qaadashada Bitcoin.

Hadalsame Media