Netflix & naafaynta dhaqanka: Aragtiyaha ay faafiyaan & qaabka ay u gudbiyaan

0

(Hadalsame) 16 Feb 2022 – Netflix waxay noqotay goob halis ku ah da’yarta, dhaqanka iyo diinteena, waxa aan u baahannahay in aan ku baraagrugsanaano khatarta uu leeyahay.

Marka hore waxaa laga yaabaa dad badan inay is dhahaan Netfilix wuxuu leeyahay RATE, rate-kuna wuxuu ka hadlaa da’da filamka loogu talagalay iyo sheekada filimka.
Filim walibana marka uu bilaabanayo kor ayuu ku soo qoraa sida: Rate +16, 17+, iyo 18+ sidoo kale wuxuu soo qoraa filimku markuu bilaabanayo: Drama, crime, sex, drug use, strong language, nudity, violence, substance, iyo romance, iyo waxyaabo kale oo badan. Waxaa kaloo jira plot (waa qoraal filimka soo koobaya) plot-kaasina waad aqrisan kartaa si aad u fahanto filimku wuxuu ka hadlaayo.

Marka intaas kadib qofku isagaa xusha filimka da’diisa iyo nooca filimka. Marka waxaa is waydiin mudan da’yarta maanta joogtaa ma iska dhaafayaan filimka hadaanuu ahayn noocii laagu talagay? Dabcan waxaan filayaa inaanay taasi dhacayn samankaan aan joogno, laakiin xitaa qofka da’diisa loogu talagalay bay xaaraamtahy inuu daawado noocyada anshaxa, akhlaaqdaka iyo bani-aadanimada kafog.

Hadaba sidaan xasuusanoba 2019-kii Netfilix waxay soo saareen filim ay ku sheegayaan Nabi Ciise (N.N.K.H) oo qoomu luud ah. (Astaqfirulah, subxanallah) markaasaa hadana filimaanta Netflix waxaad arkaysaa inay yihiin filimaan loogu soo gabbanayo da’yarta oo loogu tilmaamayo educational purpose, laakiin majiro filim aan lahayn muuqaal galmo ah oo faaxisha ah ama dhiirigalinta khaniisnimada iyo caasinta waalidka.

Tusaale ahaan, waxa aad daawanaysaa filim ama musalsal waxyaabaha ay ku siinayaana waxaa kamida in atooraha filmkaasi uu yahay qof wanaagsan oo dhakhtar ama engineer ah, oo akhlaaq, naxariis iyo edeb leh dadkana caawiya, runtiina aad is dhahayso waa qof ku dayasho mudan, laakiin qofkii waxay ka dhigayaan khaniis, dilaa, ama qof caruurta kufsada. Marka waxaa laga yaabaa markaad filimaantaas daawatid inaadaan qofkaas aadan noqon laakiin waxyaalahaas uu samaynayo ay caadi kula noqdaan xitaa hadii aktaada lagu samaynayo. Waxaa kaloo baryahaan charecterka-ka loogu jecelyahay ama jiliinka ugu wanaagsan leh u badaleen khaniisiin, mulxidiin ama dad galmada aad u jecel.

Marka hadii aynu u imaano qaybta ugu caansan filimaanta iyo taxanayaasha Netfilix ama loogu daawashada badanyahay waxaa kamid ah. Brisson Break, Avengers, Breaking Bad, young sheldon, Game of throns, le case de papel, dhamaantood kuwa ugu firfircowni waa khaniisiin( gays) ama waa mulxidiin ama waa dad tumashda aad u jecel.
Hadiia aad u fiirsato Tony strak iyo Captain America waxay qirayaan inuusan Ilaahay joogi karin goobta tecnology-gu joogoto, sidoo kale waxaad taxanaha Thor ku arkaysaa inuu leeyahay waxaan ahay ilaaha onkodka iyo hillaaca iyo waxayaale kale oo badan marabo intaan ka badan inaan magacaabo. (Astaqfirulah)

Markale hadii aan isla fiirino Mony Heist ama le Casa De Papel shakhsiyada loogu jecelyahay waxaa kamida ah Tokyo oo iyadu marwalbo Rio la tumanaysa mana jirto xalqad ayna faaxisha samaynayn.

Breaking Bad iyo Game Of therones oo iyagu ah labada filim ama musalsal ee haysta rating-ka ugu sareeya midkood waxaa lagu barataa sex positions-ka iyo faafinta in galmadu xad iyo xuduud toona lahayn midna isticmaalka daroogada iyo ka ganacsigeeda, oo waxa uuba ka sheekaynayaa nin faqiir ah oo kansar qaba oo bilaabaya ka ganacsiga daroogada oo isla markaan taajiraya.

Maanta guri kasta waxaa yaala TV iyo Laptop Wifi-na wuu ku xiran yahay, waalidku haddaysan u warhayn ubadkoodu waxa ay daawanayaan waxaan waayi doona jiil dhan.

Allha noo dabi dhaafo sharkoodana Allaha inga hayo waxaan ku baraarujinayaa dhalinyaradu inay ka dheeraadaan inta ay ka dheeraankaraan, amaba ay gabigiisaba iska tirtiraan. Allaha towfiiqda nawaafajiyo.
______________________
FG: Waxaan idinka raali galinayaa erayada qaarkood oo ah kuwo kakan ee aan isticmaalay, laakiin waa wax waaqic ah oo jira.

W; D: Ibraahim Maxamed

Hadalsame Media