Booliiska Malaysia oo soo qabtay nin loo haysto dilka gabar Soomaali ah (Inta jeer ee uu toorriyeeyey oo laga naxay)

0

(Kuala Lumpur) 16 Feb 2022 – Nin u dhashay dalka Ciraaq oo 25 sano jir ah ayaa loo xiray inuu ku lug lahaa dil gabar Soomaaliyeed loogu geystay dukaan ku yaalla Jalan Memanda 2 ee magaalada Ampang.

Booliska ka socda xarunta dhexe ee Booliiska Degmada Ampang Jaya gaar ahaan Waaxda Dembi Baarista ayaa xiray kaaliyaha makhaayadda Jalan Ampang Putra abbaare 11:20 habeenimo ee habeen hore.

Taliyaha booliska Degmada Ampang Jaya, Taliye Xigeenka, Mohamad Farouk Eshak, ayaa sheegay in la tuhunsanuhu uu yahay qof haysta kaarka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

“Marka laga reebo xiritaanka, booliisku waxay qabteen mindi la rumeysan yahay in loo adeegsaday dhacdada, baaritaankii ugu horreeyay ayaa lagu ogaaday in la tuhunsanuhu uu garanayo dhibbanaha 28-jirka ah.

WARAR DHEERAAD AH – Gabadha ayaa midida lagu dhuftay 34 jeer, iyadoo ay Berita Harian qortay in booliisku ay heleen warbixin ku saabsan gabadha Soomaalida ah la rumeysan yahay in lagu dilay goob baabuurta la dhigto oo ku taal afaafka hore ee dukaan ku yaala Jalan Memanda 2, Ampang, abaare 12:12pm.

Baaritaanadii ugu horeeyay ee booliska ay sameeyeen ayaa lagu ogaaday in marqaatiyaal goobta ku sugnaa ay arkayeen gabadha la diley iyo ninka oo murmaya, kahor intii aan lagu dhufan shay af leh, sida ay yiraahdeen.

Ciraaq iyo dalal kale oo Aasiya ah ayaa ka mid ah meelaha ay ka jiraan dhaqamada loo yaqaan ”dilka sharafta” oo inta badan lagu dulmiyo haweenka oo loola dhaqmo sidii inaysan dookh lahayn.

Hadalsame Media