Yaa berri nus-dhamaadka ku wajahaya Xulka K/kolayga Somalia? (Daawo ciyaarta dhacday)

0

(Dubai) 14 Feb 2022 – Xulka K/kolayga Somalia oo shalay usoo gudbey nus-dhamaadka Tartanka Carabta ee ka soconaya Dubai, kaddib markii ay 92 & 88 uga badiyeen Xulka Libya ayaa haatan ogaadey Xulka ay berri wajahayaan.

Waa Xulka Lubnaan oo ay horay Somalia u kulmeen kaasoo haatan 52 iyo 64 uga soo adkaaday Xulka Urdun.

Waxaa xusid mudan in Lubnaan ay Xulka Somalia ee K/kolayga oo ay isku guruub ahaayeen uga soo badisay 115 halka ay Somalia ka keensatay 77, waloow aanay Somalia helin is diyaarin iyo tababar ku filan.

Xulalka kale ee nus-dhamaadka kale ciyaaraya waxay noqon karaan Tuniisiya oo soo baxday oo wajahaysa midkood Aljeeriya oo ay Somalia isa soo arkeen iyo Imaaraadka tii soo baxda.

Haddii ay Somalia berri badiso waxay gaaraysaa final-ka Koobka Carabta ee ABC oo ka soconaya Dubai oo isla maalinta xigta ee Arbacada lagu soo abyi doono i/A.

Hadalsame Media