Shirkado waawayn oo kasoo cararaya dalka Ukraine oo lagu soo ”duuli karo” (Dhegeyso)

0

(Kiev) 15 Feb 2022 – Xiisadda ammaan ee ka oogan Ukraine, ayaa waxay keentay inay 3 sharikadood oo Swedish ah oo ay u shaqeeyaan dad ka badan 2,850 oo qofi ay qorsheeyaan inay halkaa iskaga soo baxaan Ukraine.

Seddexda sharikadood ee aannu ka hadlayno ayaa kala ah Sigma, G5 Entertainment iyo Beetroot, sida lagu faafinayo warqaadyada Svenska Dagbladet iyo midka kale ee Dagens Industri.

Wakiillo ka socda 3-dan sharikadood ayaa eegaya dookhyo kala duwan oo ay ku jiraan min ay shaqaalaha basas ugu soo daabulaan dalalka deriska ah IWM.

Hadalsame Media