Turkigu ma wuxuu ku biiray dadka ka faa’iidaysanaya qalalaasaha Somalia? (QM oo baaraysa arrin halis ah)

0

(Muqdisho) 10 Feb 2022 – Guddi QM u qaabilsan Soomaaliya oo kormeera hubka sharci-darrada ah ee lasoo geliyo dalka, ayaa ka dhawaajiyay inay baarayaan markab Turkigu leeyahay oo lagu arkay xeebta aag ay ka taliso kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa dhacday bishii Agoosto 2021-dii, iyadoo ay markabkan leedahay islamarkaana maamusho shirkad lagu magacaabo Mavi Deniz Taşımacılığı ve Sanayi Ticaret Limited Şirketi, oo saldhigata magaalada Istanbul, sida uu qoray Wargeyska Nordic Monitor oo helaya caddeymo rasmi ah.

Markabka ayaa muddo 24 saac ah ku sugnaa meel 1000-mitir ama hal km oo qura u jirta xeebta aag ay maamusho Al-Shabaab, sida lagu ogaaday qalabka ku xiran markabka ee sheega halka uu ku sugan yahay ee loo yaqaan (AIS).

QM ayaa xaqiijisay in “aagaasi aanu ahayn meel ay maamulaan ciidamada amniga Soomaaliya, waana meesha loo yaqaan Cali Gaduud (waafaqsan: 3°10’42″N, 46°26’9″E), oo u dhow Degmada Cadale” sida ku dhigan qoraalka baarayaasha QM.

Tuhunka ugu wayni waa in uu markabkani halkaa geeyey hub loo wadey kooxda Al-Shabaab, tiiyoo ay milkiilayaasha markabku sheegayaan inay weerar kula kulmeen xeebaha Soomaaliya 13-kii Agoosto 2021, oo lagu soo ganay qoriga sabanka ama RPG-ga loo yaqaan.

Yeelkeede, QM oo aan sheekadaa iibsanin ayaa waxay warqad rasmi ah u direen shirkadda Turkish-ka ee leh markabka, ayaga oo ka dalbaday caddeymo ku saabsan sababta markabkani ugu xirtay biyo aad ugu dhow meel ay maamusho Al-Shabaab iyadoo laga doonayo faahfaahin arrintaa ku saabsan.

Hadalsame Media