Ruushka oo qaaday tillaabo ”xaniinyo qabad ah” oo ka dhan ah EU & qayladhaan durba ka yeertay Brussels

0

(Brussels) 10 Feb 2022 – Shirkadda tamarta ee Ruushka Gazprom ayaa sheegtay inay gudanayso waajibaadka qandaraasyadeeda, balse aanu wax waajib ihi ka saarrayn inay kordhiso sahayda gaaska dabiiciga ah ee ay siiso Midowga Yurub.

Yeelkeede, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Brussels ay ku eedeeynaya Moscow inay dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee ay hodonka ku tahay u isticmaalayso hub ahaan, mar ay la hadleen wakiilka joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Midowga Yurub Arbacadii.

Ruushanka ayaa in ka badan 250 bilyan oo mitir kubbo oo gaas dabiici ah ka iibiya Midowga Yurub, taasoo ka dhigan 1/3 gaaska ay Yurub soo degsato.

Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Moscow ee RIA Novosti, Vladimir Chizhov, ayaa sharraxay in, maadaama qiimaha gaasku uu kor u kacayo, ay macaamiisha Gazprom ee Yurub aanayn doonayn inay iibsadaan gaas badan, haddii aysan jirin baahina aysan kordhin doonin gaaska ay halkaa ku bumbeeyaan, sida uu yir.

”Dabcan [Gazprom] kuma khasbana kordhintaas waloow ayba haatan bixinayso sahay dheerig ah oo ah ‘Shidaalka buluugga (gaaska)’ ah ee ay Yurub siiso, taas sida muuqata, aan weli u badnayn sidii  ay dadka qaar ay door bidi lahaayeen,” ayuu ku dooday Diblamaasigan Ruushka ah.

“Haddii jiilaalku uu aad u daran yahay oo bakhaarrada tamarta ay si dhaqso ah ay u faaruqaan, markaa, dabcan, shirkadaha Yurub waxay iibsan lahaayeen gaas badan, iyada oo aan loo eegin qiimaha sarreeya. Laakiin hadda, jiilaalku waa mid khafiif ah, markaa ma jirto baahi dheeraad ah, sidaas awgeed ma jirto sahay dheeraad ah. ” ayuu raaciyey.

Yeelkeede, madaxda Midowga Yurub ayaa waxay Ruushanka ku eedeeyeen inuu tamartiisa u adeegsanayo hub siyaasadeed ahaan xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhexeysa reer Galbeedka ee Ukraine.

“Waxaa jira calaamado isa soo taraya oo muujinaya in Kremlin-ka uu sii wadi doono adeegsiga saadka gaaska si loo sameeyo cadaadis siyaasadeed,” ayay tiri Madaxweynaha Komishanka Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, iyada oo intaa ku dartay in ay u aragto siyaasadda saadka gaaska ah ee Gazprom mid “la yaab leh.”

Hadalsame Media