Foolxumo hor leh oo kusoo korodhay doorashada socotey ee awalba iimaha badnayd

0

(Hadalsame) 08 Feb 2022 – Doorashada labada aqal ee DF Somalia ayaa ku bilowday ilaa haatanna ku soconaysa qaab aan abid horay loo arag, taasoo ay dadka qaarkood xitaa dood ka keeneen in doorasho lagu tilmaami karo.

Dhaqamada cusub ee doorashadan lagu arkay waxaa ka mid ah: inuu qof xukumayo maxsuulkeeda oo uu sida uu isagu doonayo ay noqonayso, in la jilayo ergadii wax dooranaysey iyo xitaa musharraxa la tartamaya qofka la doonayo inuu soo boxo oo loo bixiyey ”malxiis”, kuwaasoo aysan qaarkood xitaa hadli karin ama 2 xaraf oo micne leh isku xiri karin.

Waxaa haatan kusoo siyaadey nin jeneraal ah oo dhex boodaya doorashadii kaasoo ah Jen. Max’ed Tahliil Biixi oo ku magacaaban Taliyaha Ciidanka Lugta, kaasoo isu maraya magaalooyin kala duwan min Beledwayn oo uu Xuud kasoo kexeeyey ilaa Baraawe isagoo ku marmarsoonaya inuu sugayo ammaanka doorashada taasoo aan la ogayn goorta isaga loo xil saaray.

Biixi oo la sheegay inuu si dhow ula shaqeeyo MW Farmaajo ayaa horay mar uu shir jaraa’id qabtay ciidamada usoo jeediyey inay ”faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda”, balse dadka ayaa is waydiinaya sharciga isaga u fasaxay.

Arrintan dambe ayaa si wayn usii dilaysa qiyamka iyo xitaa dhadhanka doorashada oo awalba aad ugu nah beeshay khilaafaad siyaasi ah, waqtigeeda oo ay ka dib dhacday iyo farafaraynta natiijadeeda.

Hadalsame Media