MW Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomey Danjiraha Maraykanka & mowqif uu ku adkaystay (Jilliin dhacay + Sawirro)

0

(Muqdisho) 07 Feb 2022 – MW Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Maraykanka usoo xilsaaray Soomaaliya, Larry André.

“Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay danjiraha cusub horumarka ay Dowladda Federaalku ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habaynta hay’adaha maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dayn cafiska, waxaana Madaxweynaha iyo Danjire André ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini-aadannimada, iyo horumarinta.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Yeelkeede, munaasabadda waraaqaha aqoonsiga looga guddoomayay Danjiraha ayaa ka dhacday gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, balse waxaa goobta loo ekaysiiyay Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo xitaa la suray sawirkii Madaxweynihii u horreeyay dalka Soomaaliya Aadan Cadde (AUN).

Tan ayaa ka dhigan in Danjiraha Maraykanku uu u dhaqmay si ka duwan madaxda kale.

Hadalsame Media