”Wuxuu i baloogay kaddib qadadii 1-aad!” – Sheeko qosol badan oo ka dhacday Kenya

0

(Busia) 03 Feb 2022 – Nin ayaa baloogay gabar Luhya ah oo ay isku cindanaayeen ama saaxiib ahaayeen daqiiqado uun kaddib markii ay ku kulmeen qadadii 1-aad oo uu u kexeeyey meel makhaayad ah.

Jackline Andoli oo ah gabar da’yar oo ku dhaqan degaanka Busia ayaa niyad jab ku muujisay baraha bulshada kaddib markii uu saaxiibkeed baloogay lambarkeeda daqiiqado uun kaddib markii ay isku arkeen kulan jacaylkii ugu horeeyay magaalada Murang’a.

Sida laga soo xigtay Jackline, ilaa hadda ma aysan fahmin sababta ninka ay rajaynaysay inuu guursado uu xiriirka ugu jaray uga tiray dhammaan meelihii ay kala hadli jirtey ee baraha bulshada.

Si kastaba se, waxaa loo badinayaa inuu uga cararay cir wayni taasoo ay lafteedu soo hadal qaadday inuu cunnatinnimada ku nacay.

“Haddii ay tahay caadooyinkayga cunto … Waxaan ahay Luhya kasoo jeedda Galbeedka … Waan ku faraxsan ahay inaan kali noolaado haddii aad dhib ku qabto dalabkayga cunto.” ayay soo dhigtay barteeda.

”Intani waa cunto fudud oo ay nafteeda ku mashquulinayso inta ay sugayso ugaallida.” ayuu ku kaftamay qof ka fal-celiyey warkeeda.

Hadalsame Media