Midowga Yurub oo AMISOM ka dalbaday inay soo kordhiyaan hal adeeg oo dan u ah Somalia (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 03 Feb 2022 – Midowga Yurub ayaa dalbanaya in wax laga bedelo qaab-dhismeedka uu wixii hadda ka dambeeya u shaqeyn doono howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo codsaday in xoogga la saaro dib u dhiska hay’adaha dowladeed ee burburay.

Maalgelinta – Josep Borrell Fontelles, oo ah Ergeyga Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, ayaa u sheegay The EastAfrican in Midowga Yurub ay isku raacsan yihiin in Soomaaliya ay halis u bandhigmayso haddii howlgalka la joojiyo iyada oo aan la helin bedel ku filan.

Laakiin waxa uu soo jeediyay in Midowga Yurub aanu maalgelin doonin Hawlgalka iyadoo wax lagu salaynayo qaab-dhismeedkiisii hore ee xoogga saarayay dagaalka iyo ciidamada dhulka jooga oo qura ee aan fiiro gaar ah u lahayn dib u dhiska hay’adaha DF Somalia.

AMISOM, oo ah ciidamada Midowga Afrika ee la dagaallanka argagixisada, ayaa la sameeyay sanadkii 2007-dii, waxaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaaray inay Somalia ka hawlgalaan, balse Midowga Yurub ayaa wuxuu bixiyaa 90% miisaaniyadiisa hawlgelinta.

Sanadkii 2017-dii, Midowga Yurub ayaa dib u dhigay maalgelinta uu sameeyey, isagoo sabab uga dhigay baahida sii kordheysey ee xilligaa kasoo kordhaysey howlgallada lagula dagaalamayo argagixisada ee ka baxsan Geeska Afrika sida gobolka Saaxil ee Afrikada Galbeed.

Hadalsame Media