”Waxaa jirta Soomaali Itoobiya ku taageeraysa inay la wareegto Dekedda Saylac” – (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 01 Jan 2022 – Somaliland ayaa xiriir aan rasmi ahayn oo diblomaasiyadeed la yagleeshay Taiwan, balse waxay saasi ka caraysiisay Beijing, oo xitaa isku dayday inay Hargeysa ku qanciso inay ka baxdo wada shaqaynta Taiwan, balse isku daygii Shiinuhu wuu fashilmay.

Sidaa darteed, waxaa dhici karta in Shiinuhu aanu Itoobiya ku mucaaradin haddii ay isku daydo wax duullaan ah, sida uu u dhacayo nuxurka guud. Halkan ka aqri qaybtii 1-aad…

SAXAAFAD LABA WEJI LEH

In kasta oo ay jiraan astaamo muujinaya iskaashi wanaagsan oo ka dhexeeya Itoobiya iyo “Somaliland” oo ku aaddan mabda’a deris-wanaagga, gaar ahaan iyadoo Addis Ababa ay ka faa’iidaysanayso sida loogu qiimeeyey Dekedda “Berbera”.

Haddana warbixinnada ku saabsan canbaarayn ay Xukuumadda Abiy Axmed kala kulantay shixnado hub ah oo usoo maray “Somaliland” inta uu socdey dagaalka uu haatan ku jiro, ayay warbaahinta Itoobiya ee ku dhow dawladdu waxay baahisey xogo is burinaya oo arrintan iyo qaar kale ku saabsan.

Ghamda Soti oo falanqeeya siyaasadda Itoobiya kana Shabakadda Mustaqbalka Oromia ee Oromia Future Network waxa uu leeyahay, “Waxaa jira khilaafyo qabiil oo ka jira” Ismaamulka Soomaalida Itoobiya halkaasoo ay beelo gaar ihi ay dabada ka riixayeen inay codsadaan in la dhiso gobol ay iyagu leeyihiin, iyagoo taa biddaalkeeda ballanqaaday inay Itoobiya u fududayn doonaan sidii ay u heli lahayd xuquuqda horumarineed iyo tan maamul ee Dekedda Saylac maadaama ay ku taallo dhulka beeshaas, sida uu yiri.

La soco qaybta 3-aad….

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media