Saxaafadda Ruushka oo durtay go’aanka Maxkamadda Banaadir ay ku joojisey lacagta Imaaraadka (Tirada askar saarnayn dayuuradda oo la kashifay)

0

(Hadalsame) 31 Jan 2022 – Maxkamadda Soomaaliya ayaa go’aamisay in aan dib loo celin lacag malaayiin dollar ah oo sanadkii 2018-kii laga qaatay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka, taasi oo sababtay xiisad saamaysay xiriirka labada dal, kahor inta aysan Muqdisho raali gelin ka bixin, una ballan qaadin in ay dib u celin doonto lacagtaasi, ayaa lagu qoray warqaadka Carabiga kusoo baxa ee Alkhaleejonline.

Sidoo kale Warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa shalay oo Axad ah sheegtay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku amartay Bankiga Dhexe in aan la sii dayn lacag ka badan 9 Milyan oo Doollar oo lagala baxay Diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka, taasoo ka soo horjeeda go’aankii Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu ku soo celiyay lacagahaas.

”Ma cadda heerka ay gaarsiisan tahay awoodda ay maxkamaddu u leedahay go’aankan iyo saameynta ay ku yeelan karto ballan-qaadkii dowladda ee ahaa soo celinta lacagta,” sida uu qoray wargeyska Russia Today, ayuu soo xigtey wargayska oo soo qaadanaya kelmaddan oo duraya go’aanka Maxkamadda maadaama ay arrintani tahay mid federaal oo aan la hubin awoodda ay ku leedahay Maxkamad heer gobol ah.

Soo saarista go’aanka Maxkamadda ayaa ku soo beegantay xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah ee DF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi la socda ay ku sugan yihiin dalka Imaaraadka Carabta.

War saxaafadeed uu xilligii qabsashada Imaaraadku soo saaray ayaa lagu yiri: “Imaaraadku wuxuu muujiyay sida uu u diidan yahay una cambaareynayo la wareegistii hay’adaha amniga Soomaaliya lacag saarrayn diyaarad rayid ah oo gaar ah oo Imaaraadka ka diiwaangashan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, taas oo ay saarnaayeen 47-askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta.

Hadalsame Media