Dood ka dhex dhalatay baarlaman Yurub ah kaddib markii xildhibaannada la siiyey agab uu sameeyey dal Muslim ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 31 Jan 2022 – Qaybinta maasgare COVID-19 oo “Made in Turkiye” ah oo la siiyey Xildhibaannada Giriigga ayaa caro ka dhex dhalisay baarlamaanka dalkaasi, sida ay sheegtay warbaahintu Sabtidii.

Bilowgii khudbadeeda baarlamaanka, Liana Kanelli, oo ah ku xigeenka Guddoonka Xisbiga Shuuciga ee Giriiga (KKE), ayaa dareenka ku soo jeedisey in maaskarada FFP2 ee dhowraarinta sare leh lagu sameeyay Turkiga, sida ay qortay jariidada Giriiga ee In.

“Maasgarahan aad baarlamaanka noogu qaybisay waa mid laga keenay Turkiga, waxaa la leeyahay “Made in Turkey.” Ma xuma. Laakiin inkasta oo qaxootiga ka yimid Turkiga aysan soo gudbi karin, danaha ganacsi ayaa soo gudbaya,” ayay tiri.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna, Afhayeenka Baarlamaanka Giriigga, Konstantinos Tasoulas, ayaa xaqiijiyay in gafuur-saabkan lagu sameeyay gudaha dalka Turkiga.

“Waxaan furnay qandaraas dadweyne oo loogu talagalay bixinta maaskaro-ilaaliye sare ah, ugu dambeyntiina, shirkad Jarmal ah oo soo bandhigtay dalabkii ugu fiicnaa ayaa ku guuleysatay,” ayuu yiri oo raaciyay, “Si kastaba ha ahaatee, ma aynaan ogeyn in shirkadda Jarmalku ay Turkiga warshad soo saarta weji-xirka.”

Waxa uu sidoo kale xusay in aysan iibsan laheyn maasgarahan haddii ay ogaan lahaayeen in lagu sameeyay dalka Turkiga.

Turkiga iyo Giriiga ayaa isku khilaafsan dhowr arrimood. Turkiga, oo leh xeebta ugu dheer bariga Badda Dhexe eeMediterranean-ka, ayaa diiday sheegashada xuduud badeedka ee Maamulka Giriigga Qubrus.

Hadalsame Media