Ruushka oo tijaabiyey gantaal 9 jeer guuxiisa ka dheereeya oo cabsi ku beeray maraakiibta dagaalka Maraykanka (Daawo)

0

(Hadalsame) 31 Jan 2022 – Tsirkon, oo sidoo kale loo yaqaan “Zircon,” ayaa ugu yaraan afar jeer laga ganay markabka Admiral Gorshkov tan iyo Janaayo 2020, isagoo ku dhacay bartilmaameedyo dhulka iyo baddaba ah masaafo u dhaxaysa 350-500 kiiloomitir.

Tsirkon waa gantaal baalal leh, oo ah lidka maraakiibta, kaas oo la sheegay in uu awood u leeyahay in uu gaaro xawaare uu 9 jeer guuxiisa ka dheereeynayo iyo hab-dhaqaaqyo kala geddisan inta uu duulimaadka ku jiro, taasoo ka dhigan in jihadiisa iyo tiiradiisaba la bedeli karo.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday Isniintii in ciidamadeeda badda ay sameeyeen tijaabo cusub oo Tsirkon oo laga soo riday xeebta badda Barents Sea isagoo si shiish toosan ah ugu dhacay bartilmaameed loo asteeyey oo jira 350km.

Xawaaraha duulimaadkiisu waxa uu gaaray ku dhawaad 7 Mach oo in yar ka hooseeysa xawaarihiisa buuxa, sida laga arkayo muuqaal kooban oo layliga ka mid ah oo ay Wasaaradda Difaacu ku daabacday kanaalka Youtube-ka.

Dad ku dhow arrimaha gantaalkan dheereeya ayaa u sheegay warbaahinta Dowladda Ruushka in gantaalkan la filayo inuu adeegga ciidamada soo galo “qaybta hore ee sanadkan 2022,” iyadoo la sugayo guusha tijaabooyin soo socda ee badda hoosteeda ah.

Hadalsame Media