”Way iska ogaayeen!” – Tigreega oo soo bandhigay dalal ay Somalia ku jirto oo ay sheegtay inay iskugu tageen

0

(Maqalla) 27 Jan 2022 – Maqaal dheer oo lagu qoray warqaadka Tigreega u dhaqdhaqaaqa ee Omna Tigray ayaa lagu soo qaatay sheeko cinwaan looga dhigay ”Faragelinta Shisheeyaha ee Dagaalka Tigraay”, kaasoo lagu xusay dalal ay Somalia ku jirto.

Kasokow ku lug lahaanshaha Eritera ee dagaalka xasuuqa ah ee lagu hayo Tigreega, Dowlada Itoobiya ee uu hogaamiyo RW Abiy Ahmed waxa ay colaadda siyaabo kala duwan uga dhigtay mid caalami ah, ayuu qoray wargaysku.

Isku dhacyada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay xuduudda u dhaxeeysa Itoobiya iyo Suudaan ayaa sii kordhay, taasoo keentay xiisad u dhaxeysa labada dal iyo xulafadooda, taasoo khalkhal galisay ammaanka dadka hadda deggan iyo sidoo kale qaxootiga ka soo qaxay xadka.

Dhanka Soomaaliya, dagaalka ayaa halkaa gaarey; Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo isku dayay in ay hubka ka dhigaan saraakiisha Tigreega ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa intaa dheer, Qaramada Midoobay waxay heshay xog ku saabsan in askar Soomaali ah oo Eritrea lagu soo tababaray ay la socdeen ciidamo Eriteriyaan ah oo u tallaabay dhanka Tigraay iyagoo xulafo la ah ciidamadii xasuuqa gaystey.

Baaritaan ay samaysay jariirada The Globe and Mail ayaa lagu ogaaday tacadiyo la sheegay in ay geysteen askar Soomaali ah oo taageeraya ciidamada Eritrea ee ku sugan gobolka Tigraay.

Sida laga soo xigtay madaxa shaqaalaha ee Maamulka ku Meel Gaarka ah ee Tigraay Gebremeskel Kassa, saraakiisha ugu sarraysa Itoobiya waxay wax ka ogaayeen in ciidamo Soomaali ah oo lagu tababaray Eritrea oo dagaalka kahor, taasoo ka dhalatay heshiis millateri oo dhexmaray Itoobiya, Eritera iyo Soomaaliya.

Waxaa qoraalka oo dheer sidoo kale lagu xusay in dalal kale oo wada Muslim ah sida Turkiga, Iiraan iyo Imaaraadku ay iyaguna taageereen DF Itoobiya ee uu haatan hoggaamiyo Abiy Ahmed, iyagoo siinayo saanad iyo hub ay daroonno ka mid yihiin.

Halkan ka akhri….

Hadalsame Media