DAAWO: Somalia oo hal meel uga xumaatay dal kasta oo Afrika ah (Qiimayn caalami ah & xal KMG ah oo jira)

0

(Hadalsame) 27 Jan 2022 – Dalka Somalia oo ay kaabayaashiisu ku burbureen dagaallada sokeeye oo weli soconaya ayaan lahayn kaabayaal qaab leh marka laga reebo sharikaad gaar loo leeyahay oo aan iyaguna tixgelin baahida dadwaynaha.

Somalia oo ay waxyaabo badan ka qaalisan yihiin xitaa dunida hormartay sida boosaska tiiyoo ay jirto in Somalia ay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan dunida, ayaa haatan wajahaysa cillad kale oo dhanka sicirka qaaliga ah ee korontada ah.

Hay’ad Swiss ah oo la yiraahdo Ecofin ayaa qiimayn ay ku samaysay sicirka korontada Afrika waxay Somalia noqotay dalka ugu qaalisan, marka ay timaaddo inta lacag ah ee lagu iibiyo halkii KW saacaddii.

Tusaale, Muqdisho halkii KW waxaa saacaddii la siiyaa $0,49 doollar ama ku dhowaad nus Doollar, taasoo aad qaali u ah marka aad u eegto dalalka deriska ah sida Ethiopia = $0,03 iyo Kenya = $0,16.

Arrintan ayaan sidoo kale lahayn cid u taagan in wax laga qabto iyadoo ay jiraan siyaasiyiin badan oo dano ku leh shirkadaha korontada bixiya ee aan isbeddelka ama inay ugu yaraan iyagu sicirka dhimaan doonayn, sida meelo ay ka mid yihiin Somaliland, Puntland, Bartamaha ilaa koonfurta fog.

Inta laga sameeynayo kaabe koronto oo mug leh waxaa xitaa lagu sii meel gaari karaa wershadaha sabbaynaya ee dalka Turkiga oo dalal badan oo dunida ah siiya koronto rakhiis ah.

Hadalsame Media