Jeneraal ku ”dhawaaqay” taariikhda ay u badan tahay inay Ruushku weeraraan Ukraine & sabab yaab leh oo uu u cuskaday

0

(Kiev) 26 Jan 2022 – Taangiyada iyo ciidamada Ruushka ayaa laga yaabaa inay toddobaadyo uun ka xigaan inay isku weerar ku qaadaan dalka Ukraine, sida uu ku eedeeyey mid ka mid ah jeneraallada ugu sarreeya Kiev.

Wareysi lagu daabacay wargeyska The Times ee ka soo baxa Ingiriiska Sabtidii, Sarreeye Guud Alexander Pavlyuk, ayaa wuxuu ku sheegay in duulaanka la soo qaadi karo maalmaha ka dambeeya Ciyaaraha Olombikada Jiilaalka, oo lagu wado in lagu qabto Beijing bisha soo socota.

Febraayo 20 “waa taariikh na khuseysa,” ayuu yiri isagoo hadalka sii wada, kuna doodaya in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u badan tahay inuu doonayo inuu ka fogaado in uu ku caraysiiyo Shiinaha oo uu dagaal ku hareeyo ciyaaraha ay martigelinayaan.

Intaa waxaa dheer, taariikhda waxay calaamad u tahay dhamaadka Dhoolatuska militari ee wadajirka ah ee Ruushka iyo Belarus ee soohdinta Ukraine oo ay haatan hoganayaan in ka badan 100,000 oo askari iyo hubkooda.

Ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee uu Shiinuhu martigelinayo ayaa furmi doona 4-ta Febraayo iyagoo xirmaya 20-ka isla bisha Febraayo ee soo aaddan, warka jeneraalkuna wuxuu u dhacayaa in 20-ka Febraayo lasoo weerari karo dalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo Pavlyuk uu digniintan dirayo, misna Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa horay ugu sheegay muwaadiniinta oo uu telefishanka kala hadlay inaanay jirin khatar ku saabsan duullaan dhaca.

Isniintii, xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Kiev, Alexey Danilov, ayaa sidoo kale damcay in uu hoos u dhigo khatarta, isaga oo ku tilmaamay “argagax” lagu abuuray sababo “siyaasad dhuleed iyo mid maxalli ah” oo ay kala jiidayaan Ruushka iyo Galbeedku.

“Dumitaanka ciidamada Ruushku ma aha mid sida ugu dhakhsaha badan keenaya duullaan dhaca, sida ay sheeganayaan qaar,” ayuu yiri.

Hadalsame Media