Ruushka oo 2 raxan oo maraakiib ah mar qura u kala diray badaha Barents Sea & Black Sea (Daawo)

0

(Moscow) 26 Jan 2022 – Raxan ka badan 20-markab oo kuwa dagaalka ah iyo maraakiib taageeraysa oo Ruushku leeyahay ayaa u shiraacday dhoollatus ay ka sameynayaan Badda Madow xilli ay sii kordheyso xiisadda NATO ee bariga Yurub.

Wasaaradda Difaaca ee Moscow ayaa xaqiijisay Arbacadii in ciidamada hawshan oo isugu jira maraakiibta, doomaha gantaalaha, kuwa miino baarista iyo maraakiibta xambaara gaadiidka berri-biyoodka ah, ay ka baxeen dekedaha Sevastopol iyo Novorossiysk ee xeebta koonfureed ee dalkaasi.

Maraakiibtu waxay samayn doonaan hab-dhaqaaqyo ay ka mid yihiin iska caabinta weerarada hawada, iyo xirfado kale oo dagaal, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Fiidiyow ay daabaceen madaxda millitariga ayaa muujinaya labo ka mid ah maraakiibta cusub ee ciidamada badda oo ka qayb qaadanaya, oo ay ku jiraan markabka Admiral Essen, oo ku biiray raxantan 2016-kii, iyo Corvette-ka Ingushetia, oo safarkeedii ugu horreeysay bilowday 2019-ka.

Dhoollatusku waxa uu dhacayaa isla waqig ay dhaqdhaqaaqyo sameynayaan Raxanta Woqooyiga ee Ciidanka Ruushka ee ku sugan Badda Barents, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda sii u dhaxeysa Ruushka iyo NATO ee ku saabsan soohdinta Ukraine.

Moscow ayaa raadinaysay dammaanad qoraal ah oo ku saabsan in Kiev laga mamnuuci doono ku biiritaanka ururka uu Maraykanku hoggaamiyo.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in dalabaadkaasi ay yihiin kuwa aan la aqbali karin, balse waxa uu rajo ka muujiyay in labada dhinac ay heli karaan qaab ay xaaladka hadda taagan ay ku dejin karaan.

Hadalsame Media