SAWIRRO: Dowladda dal reer Galbeed ah oo iibsatey xuquuqda calan muddo la iskugu haystey (Ujeeddada ay ka leedahay?)

0

(Hadalsame) 25 Jan 2022 – Calanka dadka Aborijiiniska ee asal ahaan iska leh Australia ayaa hadda kaddib qof kastaa u isticmaali karaa si bilaash ah, kaddib markii ay Dowladda Federaalka ah ee Canberra ay heshiis la gashay ninka rasmiyan sameeyey, taasoo afjaraya dagaal dheer oo kharash badani ku baxay oo ku saabsan naqshadiisa.

Calanka Aborijiiniska waxaa naqshadeeyay farshaxaniiste iyo gayfane Harold Thomas, oo ka dhashay dadka Luritja ee ab laga soo gaarka u leh Bartamaha Australia, waxaana calankan rasmi ahaan loo qaatay 1995-kii.

Heshiisku waxa uu gebagebo u yahay ololaha lagu magacaabo ‘Free the Flag’ ee muddo dheer lagu doonayey in lagu furfuro shabakadda adag ee la xiriirta heshiisyada shatiga xuquuqda daabacaada si calankan loo geliyo xayndaabka dadweynaha oo hadda kaddib xor u noqon doona adeegsigiisa iyo daabacaaddiisa.

Dowladdu waxay bixin doontaa 20 milyan oo doollarka Australia ah (in ka badan $14m oo doollarka Maraykanka ah) oo ka imanaysa jeebka dadwaynaha ama lacagta cashuur bixiyayaasha si loo gaaro yoolkan, sida ay qorayso warbaahinta maxalliga ihi.

Waxaa heshiiska ku jirta lacag la siinayo Thomas, kaas oo hadda ku jira 70-meeyadii, waxaanay meesha ka saaraysaa dhammaan shatiyadii horay u jirey oo idil. Iyadoo ay Dowlada Dhexe yeelan doonto xuquuqda daabacaadda, farshaxaniistuhuna wuxuu sii lahaan doonaa ilaalinta xuquuqda anshaxa shaqadiisa (moral rights).

“Dhammaan dadka Australiyaanka ihi waxay si xor ah u soo bandhigi karaan oo u isticmaali karaan calanka si ay ugu dabaaldegaan dhaqanka asaliga ah,” ayuu yiri Ken Wyatt, Wasiirka Federaalka ee waddanka Australia ugu qaybsan arrimaha dadka asaliga ah.

Ololaha “xoreynta” calanka Aborijiniska ayaa la bilaabay kaddib markii ay dadwaynuhu ogaadeen in 2018-kii ay shirkadda WAM Clothing ay heshay xuquuq gaar ah oo kaligeed awood u siinaysey inay kaligeed daabici karto calankan oo ay iibin karto.

Hadalsame Media