Booliiska Columbus oo sii daayey muuqaal CCTV ah & inuu qof kexeeynayey oo la ogaadey (Halkan kala xiriir booliiska)

0

(Columbus) 22 Jan 2022 – Booliiska ayaa Jimcihii siidaayay muuqaal cusub oo kaamarada ammaanka ah (CCTV) oo la soo saaray kaas oo muujinaya nin kaxeynayay gaari nooca Van-ka ah kaas oo markii dambe laga helay maydka Imaam beri dhowayd dhintay, iyadoo haatan la raadinayo darawalka.

Maydka Imaam Maxamed Xasan Aadan, oo 48 jir ah, muddo dheerna imaam ka ahaa Masjidka Columbus ee Masjid Abu Hurairah, ayaa 24-kii Diseembar, waxaa maydkiisa laga helay meel kayn ah oo dhanka Waqooyi ah. Dhimashadiisa ayaa loo xukumay dil ahaan.

Xogihii ugu dambeysay ee baaritaanka, booliisku waxay soo saareen muuqaal soconaya 15-ilbiriqsi oo la qaaday fiidkii 22-kii Diseembar – maalin ka hor intaan qoyska Aadan booliiska usoo gudbin inuu maqan yahay.

Goobta ayaa waxaa qabatay kaamirada ammaanka oo ku taal dhismo dabaq ah oo u dhow halka laga helay maydka Adam, booliska Columbus Det. Earl Westfall, oo ah madaxa baaraha kiiska, ayaa sidaa u sheegay warqaadka Dispatch.

Muqaalka ayaa muujinaya in qof aan ahayn Aadan uu waday gaariga. Qofku waxa uu u muuqdaa in uu xiran yahay fasaleeti cas iyo galoofo ama gacan gashi cad oo cinjir ah. Wayna adag tahay in la garto sifooyinka gaarka ah ee ninka sababtoo ah wejigiisa waxaa daboolay fasaleetiga, sida uu sheegayo Westfall.

“Waxaan kaalmo weydiisaneynaa bulshada, haddii qofna aqoonsado isaga ama uu iftiimin karo waxa markaa socday,” ayuu Westfall ka sheegtay shir jaraa’id oo uu qabtay shalay Jimcihii.

Qoysaska iyo xubnaha bulshada ayaa waxay booliiska iyo dembi baarayaasha ku boorrinayaan inay kiiskan sida ugu dhakhsaha badan u xalliyaan iyadoo jamciyadda Muslimiinta u dhaqdhaqaaqda ee CARE ay $20,000 oo doollar siinayso qofkii wacaal keena.

Shirkaa jaraa’id ayaa Shukri Xasan oo ah gabar uu dhalay Aadan waxa ay ku boorrisey hay’adaha sharciga, ururada maxaliga ah iyo qaybaha bulshadu in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo qabtaan dambiilaha.

“Ma bogsan karno ilaa aan cadaaladda horkeenno dambiilaha,” ayay tiri Shukri Xasan. “Waxaan u baahan nahay jawaabo degdeg ah. Maalin kasta oo gudubta waa maalin kale oo gacan-ku-dhiiglihii uu dibedda joogo oo uu xor yahay. Fadlan, haddii aad wax macluumaad ah hayso, soo gudbi oo soo wactan.” ayay raacisay.

Halkan kala xiriir Columbus Police Homicide Unit: 614-645-4730 ama Central Ohio Crime Stoppers oo aad ka heli karto 614-461-8477.

Hadalsame Media