Qaybta ugu dambaysa ‘Mission: Impossible 8’ ee haatan la jilayo oo kashiftay xiriirka ka dhexeeya Hollywood & CIA (Danta ugu jirta)

0

(Langley) 22 Jan 2022 – Daabacaadadii u dambeeyay ee Production Weekly – oo ka faallooda Hollywood ah isagoo jaantusa filimada iyo mashaariicda la xiriira – ayaa daaha ka qaaday tafaasiil la yaab leh oo ku saabsan film-ka silsiladda ah ee ‘Mission: Impossible 8’, kaas oo hadda la duubayo.

MUXUU YAHAY SCORPIO (Dib-qallooc)? Magaca qaybtan ugu dambeeysa oo uu wado jilaaga aflaamtan caanka ku ah ee Tom Cruise waa ‘Scorpio’, waana doorasho cajiib ah waayo ‘Scorpio’ wuxuu ahaa film basaasnimo ku saabsan oo la sameeyey 1973-kii, kaasoo sidoo kale ahaa filimkii ugu horreeyay ee loo oggolaado gelitaanka Xarunta CIA ee Langley, Virginia, iyo inay galaangal u yeeshaan xogo badan oo muhim ah.

‘Scorpio’ wuxuu ahaa thriller uu jilayey Burt Lancaster oo ku metelayey isagoo ah qannaas wax toogta oo CIA ka howlgabay, waxaana Jean Laurier a.k.a. ‘Scorpio’, loo dirayaa inuu khaarajiyo Cross si meesha looga saaro xog badan oo mugdi ah oo uu ka hayo hay’adda CIA.

Kaddib film-kan ayaa waxaa caadi noqotay xiriir wanaagsan oo dhexmaray CIA & Hollywood iyo xitaa Hollywood iyo hay’aadka kale sida FBI, Bentegon, NSS iwm, waxaana aflaamta ay iska kaashadeen ka mid ah ‘Patriot Games’ oo ahaa 1992, ‘Top Chef’ oo la dhigay 2010, ‘Argo’ oo la duubay 2012.

Midka FBI ayba soo saaristiisa gacanta ka gaysatey ee ‘Game of Pawns’ oo la jilay 2015, Amazon’s ‘Jack Ryan’ oo ahaa 2018 iyo bandhigga ‘Pawn Stars’ in 2019.

Aflaamta kale ee ay CIA taageertay waxaa ka mid ah thriller-ka Al Pacino wado ee ‘The Recruit’, iyo musalsalka TV-ga ee ‘Shooter’ iyo ‘Designated Survivor’, oo xitaa lagu jilay qaar ka mid ah qaacada CIA, lagana arki karo astaanta Xarunta CIA ee sagxadda ku dheggan.

MAXAY CIA XOG UGU OGOLAATAA AFLAAMTAN? Film-ka ugu horreeya ee ‘Scorpio’ ilaa xad waa ku ceeboobeen waayo wuxuu tusaalaynayaa dhinacooda xun, balse markii dambe waxay bilaabeen siyaasad ah in marka ay film-ka galaangal u ogolaadaan ama taageero saanadeed ama xitaa maaliyadeed siiyaan inay ka helaan 2 faa’iido.

1 – In ilaa xad laga dhimo wixii dhaliil ahaa ee loo jeedin lahaa.

2 – In mararka qaar muuqaal wanaagsan film-ku ka bixiyo isla CIA.

Tusaale, qaybtan 8-aad ee ‘Mission Impossible’ iyo xitaa qaybihii kasii horreeyey ayaa aalaaba sawir wanaagsan ka bixiya CIA, iyadoo qaybta ‘Mission: Impossible III ‘ uu xitaa Cruise si gaar ah ula kulmay saraakiisha CIA iyagoo si furan uga sheekaystay qaabka sawir wanaagsan looga bixin karo hay’adda “intii suurtagal ah iyadoo aan doqoni garatana laga dhigaynin.” 

 

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media