Dalka Turkiga miyaa Safaaraddiisa ka qaadanaya Addis Ababa?!! (Walaac la xaqiijiyey)

0

(Addis Ababa) 20 Jan 2022 – Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka  DF Itoobiya, Dina Mufti, ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu Midowga Afrika uu kalfadhiga 35-aad ugu qabanayo Addis oo uu ku tilmaamay “guul diblomaaaiyadeed.”

Mufti ayaa sidoo kale ka hadlay warar sheegayey in Turkigu uu Safaaraddiisa ka qaadanayo Addis Ababa.

Wuxuuna sheegay inaysan arrintaa waxba ka jirin oo ay kaliya u muujiyeen walaac dhanka ammaanka ah iyaguna ay markiiba u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay in ay sugaan ammaanka diblomaasiyiinta qalaad ee dalkooda jooga.

“Turkey ma rarin mana xirin Safaaraddiisa wuxuuse hillinnada rasmiga ah  noogu sheegay walaac dhanka ammaanka ah waana ka shaafinnay.” Ayuu ku dooday.

Hadalsame Media