NAQDIN: Afar qodob oo iskugu jira run & been iyo 5 qodob oo aanu ka hadlin Fahad Yaasiin

0

(Hadalsame) 20 Jan 2022 – Waxaan si deggan u akhriyay qormo uu soo qoray Agaasinkii hore ee NISA Fahad Yasin, taasoo cinwaan looga dhigay “Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa”

Qormadaan qoristeeda waxay u egtahay mid uu si dheer uga fekeray Fahad daabicdeeda, balse marka aan soo koobo waxa ka run ah iyo waxa ka been ah waxaa ii soo baxday.

1. Waa runtiis Fahad Yasin in uu qiro in hay’adda aay ahayd mid tayo leh oo saraakiisha ka shaqeysana aay ahaayeen saraakiil xirfad iyo aqoon ku filan leh. Waxaa kale oo run ah in NISA aay ahayd cadowga koowaad ee kooxda Shabaab wixii ka horreeyay in Fahad qeyb ka noqdo hay’adda.

2. Wuxuu qoray “Halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa” Waa run in Sirdoonka yahay halka laga jaheeyo Dowladnimada, balse tan iyo markii uu hay’adda ku soo biiray Fahad Yasin, waxay hay’adda noqotay mid loogu adeego dad gaar ah iyo dowlad gaar ah. Waxay ha’adda noqotay mid laaluushta cadowga ummadda, waxay ha’adda noqotay mid u fasaxda Shabab in aay canshuuraan shacabka Muqdisho.

3. Fahad wuxuu ka been sheegay shaqada uu hay’adda u qabtay iyo in uu gaarsiiyay heer caalami ah. Bilcaksigeeda wuxuu hay’adda ka dhigay mid aay ka kala cararaan saraakiishii loo carbiyay la dagaalanka Shabaab. Waxaa dhammaan saraakiishii howlgallada oo ka koobnaa 2000 uu Fahad ka ceyriyay shaqada intooda badan halka kuwa yarna aay qeyb ka noqdeen Booliiska Gobolka Banaadir, taasoo ku timid heshiis hoose uu Fahad la galay Shabaab.

4. Fahad kama hadal gabood fallada uu geystay intii uu joogay hay’adda iyo falalkii sharci darrada ahaa sida.

a) Bililaqadii xafiiskii Brig Gen Abdalla Abdalla
b) Maqnaashaha iyo dilkii Ikraan Tahliil
c) Ku dhowaad 7 kun oo dhalinyaro ah kuwaasoo Fahad Yasin u diray Eritrea si loogu soo tababaro in Farmaajo qori ku haysto xukunka.
d) Weerarkii Xafiiska RW Rooble.
e) Weerarkii labadii Madaxweyne ee Sharif iyo Xasan Sheekh

Iyo qaar kaloo aan halkan ku soo koobi karin.

Ujeedka qormadaan uu qoray Fahad Yaasiin waxay tahay oo kaliya marin habaabinta shacabka.

Fahad waxaan leeyahay “Haddii aad xumaan fasho, maxaad filan kartaa?”

W; Q: Ismaaciil Cismaan

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media