Israel oo durba fursad ka dhex aragtay weerarkii Xuutiyiinta ee Abuu Dabeey (Tillaabo ay ballanqaadeen)

0

(Tel Aviv) 19 Jan 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa dhaleeceeyay weerarka ay Xuutiyiintu ku qaadeen Abuu Dabeey Isniintii, wuxuuna ballanqaaday taageero ay ka siinayaan dhinacyada “ammaanka iyo sirdoonka.”

Waraaq uu u diray dhaxal-sugaha Abuu Dabeey, Mohammed bin Zayed, Bennett wuxuu ku xusay in soo jeedinta Israa’iil “ee taageerada amniga iyo sirdoonka” looga gol leeyahay in mustaqbalka laga ilaaliyo Imaaradaha weerarro.

Bennett waxa kale oo uu sheegay in uu amar ku siiyay hay’adaha ammaanka Israa’iil in ay u fidiyaan dhiggooda Imaaraadka wixii kaalmo ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada argagixisannimo ee ka dhacay Abuu Dabeey kaas oo ay fuliyeen Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska dhibanayaasha aan waxba galabsan.”

Waxa uu sidoo kale isla bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Israa’iil waxay garab taagan tahay Imaaraadka, waxaan garab taagan nahay Mohammed bin Zayed, adduunku waa inuu ka hortagaa argagixisada”.

Isniintii, qarax weyn ayaa ka dhacay xarun saliideed oo muhiim ah oo ku taal Abuu Dabeey halka uu dab ka kacay garoonkeeda caalamiga ah.

Fallaagada Shiicada ah ee Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi. Israel ayaa muddo dheer raadinaysey inay galaangal u yeelato arrimaha dalalka hodanka ah ee Khaliijka, taasoo ay haatan ka heshay dhowr dal oo muhim ah sida Imaaraadka.

Hadalsame Media