Somalia & Imaaraadka oo iska kaashaday arrin aysan Soomaali badani wacaal u haynin (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 15 Jan 2022 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, ayaa waraysi uu dhowaan bixiyey ku sheegay arrin dood badan ka dhex abuurtay Soomaalida oo ah in Soomaaliya ay diiday deeq dawo ahayd oo uga imaan lahayd dalka Masar, ai ”aanay uga caraysiinin dalka Itoobiya”.

Ha yeeshee, wuxuu dhanka kale ka hadlay xiriirka Somalia iyo Imaaraadka isagoo beeniyey in uu si buuxda u wada go’ay, wuxuuna soo qaatay arrin diblomaasiyadeed oo ay labada dal ka wada shaqeeyeen sanadkii hore.

Wasiirkii hore ayaa sheegay in Imaaraadku ay Somalia ka codsadeen inay codkeeda siiso markii ay u tartamayeen inay ka mid ah noqdaan 10-ka dal ee aan rigliga ahayn ee Golaha Ammaanka QM, taasoo ay Somalia ka aqbashay iyadoo u codaysay sidaana ay ugu guulaysteen kursiga. Waxay taasi dhacday horraantii Juun 2021-kii.

Waxay taa biddaalkeeda Imaaraadku ay Somalia iyaguna ugu abaalgudeen inay u codeeyaan iyada oo u tartamaysey ka mid noqoshada xubnaha Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo ay ku guulaysatey 14-kii Oktoobar isla 2021-kii.

Wuxuu ujeedka wasiirkii hore mid uu ku xoojinayey dooddiisa ahayd in aanu go’nayn xiriirka Imaaraadka iyo Somalia, waloow uu qiray inuusan fiicnayn.

Hadalsame Media