DEG DEG: Guddoonka Guddiga Doorashada Federaalka oo la doortay (Qaybsanaan ka dhex muuqata Midowga Musharrixiinta)

0

(Muqdisho) 15 Jan 2022 – Waxaa lagu kala baxay lagu kala baxay doorashada Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka ee FEIT waxaana Gudodonka helay Muuse Geelle Yusuf oo ku guuleystay codadka ugu badan.

Muuse ayaa urursaday codod dhan 14 cod, halka C/raxiin C/casiis Aadam oo la tartamayay uu ka helay 11 cod.

Dhanka kale, marka la eego xogaha daaha gadaashiisa, Muuse Geelle ayaa si wayn taageero uga helayey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa sidoo kale garab iyo saanad siinayey qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Halka C/raxiin ayaa isna taageero ka helayay dhanka Madaxtooyada qaybta MW Farmaajo iyo xitaa xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Waana ifafaale cusub waayo waa markii u horreeysay ee ay Midowga Musharaxiintu ku kala aragti duwanaadaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT ee ay kala raacaan laba musharrax.

Yeelkeede, Guddiyada Doorashada ayaa caadiyan looga baahan yahay in xor ka ahaadaan hardanka siyaasiga ah iyo danaha is diidaya, waana waxyaabaha dilaya qiyamka doorashada Somalia.

Hadalsame Media