Macallin Ralf Rangnick oo arrin ilaa hadda lala yaabban yahay ka sameeyey xerada tababarka Man United

0

(Manchester) 15 Jan 2022 – Macallin Ralf Rangnick ayaa xerada tababarka Manchester United yimid balse wuxuu la yaabay in aan cidina joogin, tiiyoo ay jirto inuu isagu maalin fasax ah siiyey.

Macallinka KMG ah ee United ayaa iska xaadiriyey xerada Carrington subaxnimadii Talaadadii kaddib kulankii ay FA Cup uga badiyeen Aston Villa habeenkii ka horreeyey.

Macallinka ayaa xitaa tegey qaybta lagu sameeyo baarista Covid-19 kahor inta aysan ciyaartooydu tababarka bilaabin, isagoo aan weli xusuusanin inuu laacibiinta fasaxay.

Yeelkeede, intii aanu gaarigiisa kasoo degin ayuu wacay howlwadeenkii caafimaadka qof ka tirsan isagoo waydiinaya halka ay dadkii oo dhami aadeen, balse waxaa la xusuusiyey in ay laacibiintu fasax yihiin.

Hadalsame Media