Woqooyiga Kuuriya oo diyaarsatay gantaal baalistig ah oo lagu tilmaamay ‘midka dunida ugu dheereeya’ (2 dal oo qura ayaa haystey)

0

(Hadalsame) 15 Jan 2022 – Gantaalka baalistigga ah ee weerarka taatikada ah loo adeegsado ee Hwasong-8 oo ay samaysay North Korea ayaa dalkaasi ka dhigaya dalkii 3-aad ee leh farsamada gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee cir-ka-cirka ah, waxaana kaliya haatan uga horreeya Ruushka iyo Shiinaha.

Gantaalkan oo marka la sii daayo kaddib iskii hawada u jibaaxa isagoo ku socda kaynaan aan la saadaalin karin ayaa meelo badan uga eg Hwasong-12 oo isna baallistig ah, wuxuuna leeyahay hab-dhaqaaq iyo xawaare siinaya baxaalli ay adag tahay in la qabto, maadaama ay dhici karto inay isku waqti noqoto marka uu bartilmaameedka ku dhacayo iyo aragtida raadaarka lidka ah.

Woqooyiga Kuuriya oo gantaalkan tijaabisey horraantii bishan Jannaayo ayaa gantaalkan ku xirtey dayuuradda MiG-31K.

Quwadaha waawayn ayaa tan iyo Maarso 2018-kii waxay diiradda saarayeen helitaanka gantaalaha guuxooda ka dheereeya, waxaana howsha bilaabay Ruushka, kaddib markii uu MW Vladimir Putin ku dhawaaqay inay heleen gantaalka noocan ah oo gaari karta bartilmaameed kasta oo dunida ah isagoo ka imanaya hawada sare.

Wuxuu Ruushku sidoo kale markii dambe gantaalkan ku tijaabiyey dhanka badda isagoo haatan leh awoodaha gantaalaha noocan ah oo bad-ka-cir ah.

Hadalsame Media