XOG: Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo kashiftay dal ay isla tababaraan Ciidanka Komaandooska Somalia + Sawirro

0

(Hadalsame) 14 Jan 2022 – Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa soo bandhigtay xog aan caadi ahayn oo aan horay loo haynin oo ay soo dhigtay Twitter-ka, waxaana ka muuqda sawirrada saraakiil Qadari ah oo ciidanka Soomaaliya ku tababaraya Turkiga.

Wasaaraddu sooma bandhigin sababta keentay in Turkiga tababaro lagu siiyo ciidan ay Somalia leedahay oo tababarka siinayaan dad u dhashay dalka Qadar, waxa ay se wasaaraddu sheegtay in 350 askari oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay tababar ku qaateen Xarunta Tababarka iyo La-dagaalanka Argagixisada ee Galbeedka magaalada Isparta.

Turkiga iyo Qadar ayaa Soomaaliya ku sameeyay maalgashi la taaban karo, waxaana labadan dal ee isbaheysiga ah ay si wadajir ah uga hawlgaleen dhinaca milateriga iyo siyaasadda dalka, sida uu qorayo Nordic Monitor.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhanka saanadda iyo tababarka militariga iyo ciidamada kale, halka Qadar ay maalgeliso cutubyada sirdoonka ah iyo mashaariic kale.

Bishii Maajo ee sanadkii la soo dhaafay, mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dooday in askarta uu tababaray iyo kuwa ku sugan Turkiga iyaga loo adeegsaday, iyagoo marar badan codsaday in ciidanka aan la gelin arrimaha siyaasadda si loo dhowro dhexdhexaadnimadooda.

Hadalsame Media