Maxay isku dhaafeen hoggaanka Soomaaliga ama Afrikaanka ah & midka reer Yurub?!!

0

(Hadalsame) 15 Jan 2022 – Masuulka Soomaalida iyo badanaa Afrikaanka in maskaxdooda iyo akhlaaqdooda labaduba xun yihiin qof beenin karaa ma jiro.

Maskax yaridaa iyo akhlaaq xumadaa ayaa qaaradda u sababay dibudhac, faqri, dagaallo sokeeye, dawlad xumo iyo hoog aan dhammaan.

Maskax yarida iyo akhlaaq xumada masuulku wax ay si joogto ah oo aan isbeddelin u ga muuqdaan xukunkii muddaysnaa kolka uu ka dhammaado in uu is ku dhajiyo dabadeed la gu la diriro, in uu hantida iyo hawlaha umadda ka dhexeeya naftiisa iyo ciddiisa u gooni yeelo iyo in uu ku takrifalo awood aan sharciga iyo heshiisku siin.

Saddexdaa arrimoodba waxa ku kellifaya haddii aad u sii fiirsato wax aad arkaysaa in ay ka imanayso xilkasnimo darro, lexjeclo darro iyo anaaniyad uu qofkaasi wax walba keligii is la jeclaado dalka iyo dadka uu masuulka ka yahayna illaawo.

Dabcan waa qodobbo markooda si buuxda u caddaynaya caqli yaraan iyo akhlaaq xumo qofku qabo. Waa caqliga iyo akhlaaqda reer Yurub ka la haga ee danahooda u hagaajiya, la’aanteeduna waa waxa Soomaali iyo Afrikaan halkaa dhigay.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media

Facebook Comments