Barnaamij muhim oo ay ka faa’iidaysan karaan saxafiyiinta Somalia (Maanta ayaa ugu dambaysa)

0

(Hadalsame) 14 Jan 2022 – Barnaamij la yiraahdo The WIN Leadership Accelerator oo lagu dhisayo dhanka kartida suxufiyiinta ayaa waxaa ka faa’iidaysa kara weriyeyaasha ay khibraddoodu meel dhexaadka tahay iyo kuwa waaya aragga ah.

Dad barnaamijkan dalbanaya ayaa waxaa ku shuruudaysan inay leeyihiin ugu yaraan khibrad 2-3 sanadood ah oo dhanka saxaafadda ah.

Gaar ahaan waxaa muhim ah inuu qofku qabtay door hoggaamineed sida tifatire, barnaamij soo saare, ajende dejiye iwm, taasoo keenaysa inuu qofku dad maamulo.

Waa inuu sidoo kale qofku ka shaqeeyey warbaahinta soo jireenka ah sida daabacaadda, raadiyo iyo TV, sidoo kale dhanka tebinta.

Waxaa soo dalban kara dad badan oo kala socda dalal badan oo Afrikaan ah sida: Botswana, Kenya, Malawi, Rwanda, Somalia, South Sudan, Tanzania, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.

Tafaasiisha codsiga iyo dirista arjiga oo ay maanta ugu dambayso guji halkan.

Hadalsame Media