DEG DEG: RW Sweden oo uu soo ritey xanuunka Covid-19 (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 14 Jan 2022 – RW Sweden ee Magdalena Andersson (S) ayaa laga helay xanuunka faafa ee covid-19, sida ay xoghaynteeda warfaafintu u sheegtay wakaaladda wararka TT.

Todobaadkii tegey ayay ahayd markii uu hoggaanka Xisbiga CenterPartiet ee Annie Lööf iyo Afhayeenka Xisbiga MP, Per Bolund ay xaqiijiyeen inuu ku dhacay cudurka covid-19

Si kastaba kiisaska cudurka covid-19 ayaa aad ugu kordhaya dalka Sweden isagoo rikoodh jebis gaarey todobaadkii hore marka ay timaado inta kiis ee la diiwaan geliyey, iyadoo la diiwaan geliyey  23,877 oo qof oo uu soo ritey caabuq-sidahani.

Hadalsame Media